Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in xalay Al-shabaab weerar culus ku qaadeen fariisin ciidamada dowladda ay halkaa ku lahaayeen.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen koontorool ay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ku leeyihiin dhinaca Galbeed ee degmada Balcad wadada ka timaada degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay iska caabiyieen weerar uga yimid xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab, laakiin lama ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay dagaalka.
Al-shabaab ayaa weerarro joogta ka geysta waddada isku xirtay degmada Balcad, Jowhar iyo degmada Afgooye oo ay fariisimo xooggan ku leeyihiin, sidoo kale dhowr jeer oo hore Al-shabaab ayaa weerar dhabgal ah oo ay aagaga ka geysteen waxaa ku dhintay mas’uuliyiin, saraakiil iyo xildhibaanno ka tirsan Hirshabeelle.