Madaxweyne Muuse Biixi iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta gaadhay magaaladda Addis ababa, waxaana la filayaa inuu kulan la yeelan doono Ra’isal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.
Madaxweyne Biixi waxa madaarka Hargeysa ku soo dhoweeyey wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide
Inta aanu madaxweynuhu madaarka Hargeysa ka duulin, waxa ujeedadda weftiga ka hadlay Wasiirka arrimaha dibada Somalilad Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon), waxaanu yidhi “Madaxweynuhu waxa uu casuumad rasmi ah ka helay ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya, waxana ay isaga iyo weftiga uu hoggaaminayaa u tegayaan inay ka wada-hadlaan danaha iyo xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Dawladda Federaalka Itoobiya.Madaxweynaha iyo weftigiisa ayey ujeedada safarkoodu ku kooban tahay kulanka ra’iisal wasaaraha Itoobiya iyo xubnaha kale ee xukuumaddiisa ka tirsan ay la yeelan-doonaan, mana jirto masuuliyiin dalal kale oo madaxweynaha u qorshaysan inuu kula kulmo Dalka Itoobiya.”
Xubnaha weftiga ah ee madaxweynaha ku wehelinaya booqashada rasmiga ah ee uu dalka Itoobiya ku tegay, ayaa waxa ka mid ah wasiirrada wasaaradaha, Arrimaha dibadda, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faro-toon, arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire iyo wasiirka wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin).
Safarka Madaxweyne Biixi ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee uu ku tago Addis-ababa tan iyo intii loo doortay Ra’isal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo mudadda uu joogay aanay kulmin.