Mooshinkii Laga Keenay M/weyne Farmaajo oo Xildhibaano Sheegeen in Laga Been Abuurtey.

0
549

Iyadoo maalintii shalay tiro xildhibaanno ah guddoomiyaha Golaha Shacabka u gudbiyeen mooshin ka dhan ah madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa qaar ka mid ah xildhibaanna ku jiray liiska mooshinka la soo gudbiyay waxaa ay sheegeen in laga been abuurtay.

Saddexda xildhibaan ee kala ah Idiris Cabdi Dhakhtar, xildhibaan Sheekh Shaacir iyo xildhibaan Huda Axmed Cabdi ayaa warbaahinta u sheegay in aysan waxba kala socon mooshinka la sheegay in laga keenay madaxweynaha islamarkaana si qalad ah loo isticmaalay magac-yadooda.

Ma aysan bixin faah faahin intaa dhaafsiisan hasse ahaatee waxaa ay sheegeen in aysan waxba kala socon diyaarinta mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha.

Guddoomiye ku-xigeenada Baarlamaanka ayaa sheegay in Mooshinka laga keenay Madaxweynaha uu sharci darro yahay, isla markaana weli aanay dhisneyn Maxkamad Dastuuri ah, iyagoo sheegay in Guddoomiyaha uu qaadi doono cawaaqib xumada ka dhalata Mooshinka.