Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadda iyo gmdq ayaa Maanta waxa Ay Shahaada KMG Gudoonsiiyeen Sideed Xisbi Siyaasadeed oo Soo Buuxiyey Shuruudihii Laga Rabey Iyadoo Munaasabad Ka Dhacdey Xarunta GMDQ Lagu Gudoonsiiyey.
Munaasabadda Gudoonsiinta Shahaada 8deeda Xisbi Siyaasadeed Ayaa Waxaa Kasoo Qayb Galey Gudiga MDQ,Madaxda iyo Xubnaha Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada,Xildhibaano,Madaxda Xisbiyo Hore u Qaatay Shahaadada,Madaxda iyo Xubnaha Xisbiyada Shahaadada Gudoomiyey,Warbaahinta,iyo Marti Sharaf Lagu Casumey Munaasabada.
Aayadaha Qur’aanka Kadib Ayaa Waxaa Munaasabadda Ka Hadley Madaxa Xafiiska Diiwaan Gelinta Xisbiyada Siyaasadda Maxamuud Maxamed Xasan(Sandheere) oo Xisbiyada Cusub u Sheegay Waajibaadka iyo Xuquuqda Xisbiyada Haysta Shahaada KMG,Isla Markaasna u Tilmaamey Waxyaabaha Laga Doonayo Mustaqbalka In ay Sameeyaan.
Sidoo Kale Maxaa Munaasabada Ka Hadley Madaxda Sadex Xisbi Siyaasadeed oo ku Hadleysey Afka Xisbiyada Sideeda ah ee Shahaada Gudoomayey Kuwaas oo Kala Ahaa Gudoomiyaha Xisbiga Caddaaladda iyo Horumarka Xasan Maxamed Xusseen Muun Gaab,Gudoomiyaha Xisbiga Jiinka iyo Xeebaha Mudane ex-Xildhibaan Coonka,iyo Gudoomiyaha Xisbiya Shacabka Soomaaliyeed C/raxanaan Jaamac Suleymaan oo Dhamaantood Sheegay in ay ku Faraxsanyihiin Shahaadada La Gudoonsiiyey Danta Guud ee Qarankana ay Ka Shaqeyn Doonaan.
Waxaa Isna Goobta Ka Hadley Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed Ahna Xiriiriyaha Xisbiyada Siyaasada iyo GMDQ Cali Maxamed Nuux Timajilic oo Hambalyo iyo Bogaadin u Direy Madaxda iyo Xubnaha Xisbiyada Sideeda ah ee maanta Shahaadada Gudoomey Isla Markaasna u Rajeeyey Mustaqbal iyo Hawl wanaagsan in ay Dalka Kusoo Kordhiyaan,Timajilic Ayaa Hadalkiisa Sii Raaciyey In Xisbiyada Dhamaantood Laga Rabo isku Duubni Wada Tashi iyo in ay Ilaashadaan Xeerarka ay Ku Dhisanyihiin Xisbiyada iyo GMDQ Lagana Ilaalsho Faragelin ka Timaada Hay’adaha Dawladda Federaka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada Soomaaliya,Maadaama Buu yiri GMDQ yahey Gudi Madaxbanaan oo Dadka oo Dhan u Dhaxeeya.
Ugu Danbeyntiina Waxaa Xaflada Hadal Qiimo badan Ka Jeedisey Guddoomiyaha GMDQ Marwo Xaajiyo Xaliimo Ibraahim Ismaaciil Xaliima Yarey Iyadoo Xisbiyada kula Dardaarantey Wax Qabad iyo Hawl in ay La Yimaadaan Kana Wada Tashan Doonaan wax walba oo Hawlaha Kusoo Kordha,Waxeyna Shahaadada kmg Gudoonsiisey Xisbiyada Kala Ah:-
1 Xisbiga Caddaaladda iyo Horumarka.
2 Xisbiga Qiimo Qaran.
3 Xisbiga Jiinka iyo Xeebaha.
4 Xisbiga Sinnaanta,Midnimada Nabadda.
5 Xisbiga Horumarinta Muwaadiniinta.
6 Xisbiga Midawga Nabadda iyo Horumarka.
7 Xisbiga Nabadda.
8 Xisbiga Shacabka Soomaaliyeed.
Mana aha Markii ugu Horeysey ee GMDQ Shahaado KMG Gudoonsiiyaan Xisbiyo Siyaasadeed ee Waxaa Hore Shahaadada KMG Loo Siiyey 22 Xisbi Siyaasadeed Waxeyna Hada Tiradoodu Noqoneysaa 30 Xisbi Siyaasadeed,Iyadoo Munaasabadda Gudoonsiinta Shahaadooyinku Kusoo Dhamaatey Jawi Hagaagsan oo Farxadi ku Jirto.