Shir Turkiga uga Socdey Ganacsato Soomaaliyeed oo Lasoo Gabagabeeyey/Maxaase Kasoo Baxey?

0
499

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa soo xiray shirka ganacsiga ee ganacsatada Soomaaliya iyo Turkiga uga socday Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga.

Shirkan oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay uga socday Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga ayaa ujeedada ugu weyn waxaa ay aheyd in lagu dhiiri geliyo ganacsatada Turkiga in ay maalgashadaan dalka Soomaaliya, arintaas oo intii shirku socday aad loo falanqeeyay.

Shirkan oo daba socday shir hore uga dhacay Magaalada Ankara ee isla dalka Turkiga ayaa waxaa laysla gartay in ay muhiim tahay in Xariirka Ganacsi ee Soomaaliya iyo Turkiga kor loo qaado oo wax is-dhaafsi ballaaran iyo Maalgashi uu ka dhasho kulamadan

warsom2011@gmail.com