“Waxaa ka dalbaneynaa dowladda Federaalka inay sharciga horgeyso askarigii dilka u geystay, waa in loo cadaalad falo Marxuumka dhintay oo aan ka sugeyno in dowladdu arrintaas fuliso”ayuu yiri Axmed Yuusuf Ciyow oo ka tirsan barlamaanka Gal-Mudug.
Mudanahan ayaa carabka ku adkeeyay in dowlad-du ay mas’uuliyad gaar ah iska saarto sidii baaritaan dhab ah loogu samayn lahaa dilkan oo uu ku eedeeyay in ay ku lug leeyihiin ilaalada xildhibaan ka tirsan barlamaanka Somalia oo lagu magacaabo Maxamuud Abuukaate.
Wararka laga helayo dilkan ayaa sheegay in Mudane Abuukaate uu laanta danbi baarista ku wareejiyay askariga dilka fuliyay ,mana jiro war hor dhac ah oo ka soo baxay dowladda ,kaasi oo la xiriira xogta askariga.
“Dilkan waxa uu dhacay markii ciidamadu ay ka shakiyeen gaariga Guuleed ” ayuu yiri Xildhibaan Abuukaate oo tilmaamay in dilkan uu u dhacay si aan ku tala-gal ahayn , balse uu kala shaqaynayo laamaha amniga sidii baaritaanka loo fulin lahaa
Ugu danbayn, dilkan ayaan ahayn kii ugu horeeyay oo loo gaysto mas’uul xil sare haya ,waxaana bishii shanaad ee sidankan sidan oo kale loo dilay wasiirkii dib u dhiska iyo howlaha guud ee Somalia Cabaas Siraaji ,kaasi oo askari ilaalo ahi uu xabad ku furay gudaha magaalada Muqdisho.
warsom2011@gmail.com