Sawirka maanta iyo Aminarts oo noqonaya Doorasho dadban maxaa kasoo bixi doona?.

0
550

Akhristayaasha sharafta lahoow waxaan maanta idiin soo xulney sawir cajiib ah oo aad ku qosli doontaan kaas oo artstaha Amiin Caamir ku meteley sheeko gaaban oo dhex mareysa sadex nin oo qayilaad meel u fadhiya.

Kan koowaad ayaa hadalka qaadanaya oo oranaya War heedhaha Doorashada dadban waxaa kasoo bixi doona xildhibaano Dadban waxey dooran doonaan gudoomiye dadban,kadibna waxaa la dooran doonaa Madaxweyne dadban.

Kan labaad ayaa intuu qosol jagac kasiiyo raacinaya kadibna madaxweynuhu wuxuu dooran doonaa ra’iisal wasaare dadban ee saw sidaas maahan?.

Kan sedexaad ayaa sheekadii si kale u dhigey oo yiri War waxa meesha kasocda oo dhan waa Qiyaano Qaran Dulucda sawirka ayaa waxa noqoneysaa in waxa Dadban oo dhan wax ku hoos jiraan taasna loo baahanyahey in isha lagu wada hayo oo laga ditoonaado wax walba oo lala damacsanyahey dadkeena iyo Dalkeena (ILLAAHEY HA BADBAADIYO SOOMAALIYA).

sawir-qayilaad-aminartssawir-qayilaad-aminarts

hormuud-logosalaam-bankbeccotabaarak