Iyadoo muddo dheerba uu hakad ku jiray doorashada xubnaha aqalka sare ee gobollada W/qooyi, ayeey maanta si rasmi ah ugu dhawaaqeen guddiga waqtiga waqtiga la qabanayo doorashada.
Guddiga doorashada oo la hadlay warbahinta ayaa sheegaya in doorashada xubnaha aqalka sare ee gobolada waqooyi ay dhici doonto 24ka bishan.
Xiliga loo asteeyay qabashada doorashadan oo ka dhaceysa magaalada Muqdisho, ayaa ku beegan maalinta Sabtiga ah ee todobaadka danbe.
Lama oga sidda xal looga gaaray murankii ka taagnaa doorashada xubnaha aqalka sare ee gobollada W/qooyi oo ay Puntland sheegtay in loo maamulay hanaan ka baxsan hishiisyadii madasha-wadatashiga.
Ugu danbeyntiim, doorashada sanadkaan ayaa marar badan waxaa ku yimid dib u dhac, waxaana dib u dhacyada ay sababeen niyad jab ku yimid bulshada Soomaaliyeed iyo musharixiinta oo mudo dheer sugaya in mar uun la qabto doorashada.
warsom2011@gmail.com








