DHulka Beeraleyda Soomaaliya oo Q/M iyo Midawga Afrika u furayaan waddooyin ay isticmaalaan.

0
461

Midowga Afrika iyo QM ayaa bilaabay furitaanka waddooyinka dhulalka beeraleyda ah ee Soomaaliya.

AMISOM iyo QM ayaa bilaabay hawlgal dib loogu furaayo waddooyinkaa ayagoo adeegsanaya hawlgalka oo ah mid si wada jir ah ay uwadaan. Xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOS ayaa hawshaa la wada AMISOM.

Gobolada wajiga ugu horeeya ee barnaamijkaa loo adeegsanayo ayaa ah Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.

Taliyaha Qeybta 5aad ee AMISOM, Venuste Nduwayo ayaa sheegay in hawlgalkaa oo lagu magacaabay Hawlgalka Eelada (Antelope Operation) ayadoon la garan waxa sidaa loogu magacaabay in uu haatan socdo oo lagu furayo ilaa 150 km oo ah waddooyin kuyaala goboladaa oo ku caan baxay wax soo saarka dalagyada kala duwan.

“Mashruucaan ayaa lagu dayac tirayaa waddooyinka ku yaala gobolkaa-waa Hirshabeele si awood loogu siiyo AMISOM iyo wax soo saarka Soomaaliya dhaqdhaqaaq.” Venuste  Nduwayo ayaa sidaa yiri shalay sida ay qortay wakaalada wararka ee dalka Shiinaha ee Xinhua.

Labada urur ee QM iyo Midowga Yurub ayaa kutala jira furitaanka gobolkaasi Hirshabeele si ay ugu caawiyaan militariga AMISOM iyo ciidamada dawlada inay meelo badan ku baahiyaan xeryahooda hawlgalka horay u socoshada ama mashruuca ay u yaqaanaan afka qalaad Forward Operating Bases (FOB).

Qeybta 5aad ee AMISOM ayaa waxay hoos timaadaa dufcada ciidamada Burundi.

Laakiin warkaa lagu laabaye, ciidamada AMISOM ayaa meelo badan oo ay qabtaan hadana dib uga gurta ama laga kiciyaa oo Al-Shabaab ay qabsataa gaar ahaan dhulalka ugu barwaaqo badan ee Soomaaliya sida Shabeelooyinka, Jubooyinka iyo Hiiraan ayadoo dadkii wax soo saarka aad uga qeyb qaadan jiray ee goboladaa ay u badan yihiin dadka tiradoodu gaareyso 1.1ka milyan ee dalkooda qaxootiga ku ah ee loo yaqaano barakaceyaasha.

warsom2011@gmail.com

hormuud-logosalaam-bankbeccotabaarak