Dagaal ka dhacey Jubbaland oo ay ku dhinteen in ka badan 11 qof.

0
458

12 qof ayaa ku dhintay dagaalo ku dhex maray koofurta Soomaaliya shalay Al-Shabaab iyo mileeshiyo beeleed.

Saraakiisha dawlada Soomaaliya ayaa arinkaa xaqiijiyay. Dhanka kale, afhayeenka ciidamada Jubaland Axmed Maxamuud Axmed ayaa sheegay in ciidamada Jubaland ay caawiyeen dabley beeleed iska caabineysay mileeshiyo ka tirsan xarakada Al-shabaab oo weerar kusoo qaaday.

“9 qof oo xoolaley ah ayay dishay xarakada Al-Shabaab. Waxay sidoo kale qaadeen 2000 neef oo geel ah oo dad maxaliyiin ah ay lahaayeen’. Sidaa waxaa yiri afhayeenka ciidamada Jubaland Axmed Maxamuud Axmed.

‘Intaa kadib maxaliyiinta iyo ciidamada oo taageerayay ayaa la dagaalamay Al-Shabaab halkaa oo ay kudileen 3 ka tirsanaa Al-Shabaab dhowr kalena ay uga dhaawaceen’. Inaa ayuu raaciyay afhayeenka ciidamada Jubaland Axmed Maxamuud Axmed.

Afhayeenka ciidamada Jubaland Axmed Maxamuud Axmed ayaa sheegay sidoo kale in dagaalkaa oo shalay Sebtidii dhacay ay ciidamada Jubaland ku qabsadeen 3 meelood oo muhiim ah kuwaa oo ay ka kiciyeen Al-Shabaab.

Labadood meelahaa waa Jana Cabdalla iyo Beer Xaano oo qiyaastii u jira 60km magaalada Kismaayo, xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Jubaland.

Xarakada Al-Shabaab ayaa la sheegay inaysan dagaalkaa ka hadal.

Dagaalo u dhexeeyay maxaliyiin iyo xarakada al-Shabaab ayaa ka dhacay meelo kala duwan oo Soomaaliya ah dhawaan kadib markii maxaliyiintu kasoo horjeesteen inay bixiyaan zakawaat xarakadu dooneysay inay ka uruuriso.

warsom2011@gmail.com

hormuud-logosalaam-bankbeccotabaarak