Magaalada Atlanta oo uu gaarey Safiirka soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka iyo ciyaaro billawdey.

0
560

Safiirka Soomaaliyeed ee fadhigiisu uu yahay Magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa soo gaaray magaalada Atlanta ee xarunta gobolka Georgia oo 24-kii bishaan ay ka bilowdeen Ciyaaraha Kubada Cagta iyo Koleyga ee dhalinyarada Soomaaliyeed.

 

Safiirka, ayaa duhurnimadii Khamiista waxaa ku soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Atlanta masuuliyiinta Bulshadda Soomaaliyeed ee Atlanta oo uu horkacaayay Guddoomiyaha Somali American Community Eng. Cumar Shiiqeey oo ay wehliyeen xubno ka tirsan Ganacsatada, Aqoonyahanada iyo madaxda guddiga Ciyaaraha Soomaaliyeed ee Atlanta.

 

Danjire Cawad, ayaa lagu wadaa inta uu ku sugan yahay magaaladaan Atlanta, in uu kulan loo dhan yahay la qaato Soomaalida ku dhaqan gobolkaan.

Wuxuu sidoo kale Danjiruhu qorsheynaayo inuu booqdo Xabsi weyn oo ku yaallo magaalada Atlanta oo ay ku xiran yihiin dhalinyaro fara badan oo Soomaaliyeed oo markoodii hore Tahriib ah ku soo galay wadanka Mareykanka.

 

Maxamed Suufi Abasheekh Milkiilaha shirkadda Mabruk corporation ahna Madaxa Shirkadda Dahabshiil ee gobolkaan Georgia oo ka mid ah guddiga qaban-qaabada ciyaaraha ka socdo Atlanta, ayaa Hiiraan Online u sheegay iney meel wanaagan u mareyso marti galinta ciyaarahaan oo uu ku sheegay iney dhisayaan maanka dhalinyaradda Soomaaliyeed.

 

Dr Cali Cusmaan Guddoomiyaha Guddiga Ciyaaraha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ee gobolka Georgia, ayaa isaguna tilmaamay iney soo wada gaareen magaalada Atlanta dhammaan ciyaartooyda Soomaaliyeed ee kala matalaayo qaar ka mid ah gobolada Mareykanka iyo Canada ee ka qeyb qaadanaayo horyaalkaan.

 

Dhanka kale, Kooxaha Maanta ciyaaray oo ka kala socday Ohio, Washington DC, Tennessee, Minnesota iyo gobolkaan Georgia, ayaa waxey kala gaareen guulo kala duwan. Waxaana usii haray kulamo kale oo ay isku sii arki doonaan.

 

Ugu danbeyn tartankaan maanta bilowday oo socon doono inta lagu jiro fasaxa munaasabada Thanksgiving-ka, ayaa waxaa lagu wadaa inuu soo gaba-gaboobo Axada fooda inagu soo hayso oo taariikhdu ay ku beegan tahay 27-ka bishaan November.  

warsom2011@gmail.com

hormuud-logosalaam-bankbeccotabaarak