Dab ka kacey magaalada Haifa ee dalka ISRA’IL oo kumanaan ruux laga daad gureynayo.

0
620

Kooxaha dabdamiska ayaa la tacaalaya siddii ay u damin lahaayeen dab ballaaran oo ka kacay agagaarka magaalada Haifa ee dalka Israa’il, waxaana lagu waramayaa in dabku yahay mid saameyn weyn yeellanaya.

Kooxaha gurmad qaarkood ayaa sheegay in qeyb ahaan hadda dabka la xameynayo, walloow meellaha qaar wali laga sii arki karo olalka iyo qiiqa midow ee baxaya.

Dad gaaraya kumanaan ruux ayaa la bilaabay in la daad gureeyo agagaarka halka uu dabka ka kacay si looga fogaado wax yeello ka timaada.

Waxaa daminta dabkan ka qeyb-qaadanaya kooxo sidda la sheegay falistiiniyiiin ah  oo ka soo gudbay dhinaca Daanta galbeed.

Waxaa gacanta lagu dhigay dhowr qof oo la sheegay in lagu tuhusan yahay dabka kacay magaalada Haifa.

Ugu danbeyntii, ra’iisal wasaare Benjamin Netanyahu, ayaa Khamiistii sheegay in haddii dabka si ula kac ah loo huriyay, ayaa taasi ka dhigan tahay fal argagixiso.

warsom2011@gmail.com

hormuud-logosalaam-bankbeccotabaarak