Wararka ka imaanaya Magaalada Quetta ee dalka Bakistaan ayaa sheegaya in ilaa 53 ruux lagu dilay weerar loo maleynayo inuu is-miidaamin ahaa oo lagu beegsaday xarun caafimaad.
Ilaa 18 ka mid ah dadka dhintay ayaa la sheegay in ay ahaayeen Qareeno u tagay isbitaalka tacsida mid ka mid ah saaxiibadoodii shaqada oo la toogtay.
Waxaa siddoo kale dadka weerarkaas lagu dilay ka mid ahaa suxufiyiin, iyadoo markii uu qaraxa dhacay kaddib la maqlay rasaas.
Ra’iisul wasaaraha Pakistan, Nawaz Sharif, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dhimashada 53-da ruux ee lagu dilay isbitaalka. Sababta weerarka ka dmabeysay ayaan la ogeyn, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda.
Balse Wasiirka gobolka Balochistan ayaa durbaba ku eedeeyay weerarkan India.
Ugu dambeyn, Inta badan weerarada noocan oo kale ah ayaa ka dhaca dalka Bakistaan, gaar ahaan Weerarrada oo loo adeegsado Qaraxyada ayaa lagu bartilmaameedsadaa goobaha dadku ku badan yahay.
warsom2011@gmail.com








