Dalka K/afrika oo doorashadii dawladaha hoose lagu kala bixi waayey waa ANC iyo DA.

0
478

Xisbiyada ANC iyo DA ayaa Isbaheeysi Ka raadinaya xisbiga EFF, kaddib markii ay waayeen Codadkii Aqlabiyada ahaa ee doorashada Dowladaha Hoose ee ka dhacday dalka Koonfur Afrika.

Labada xisbi ee ugu waa weyn ee Dalka Koonfur Afrika ee kala ah Xisbiga Talada ee ANC & Xisbiga Mucaaradka ugu weyn ee DA Democratic Alliance ayaa mid waliba waxa uu doonayaa Isbahaysi si ay u Xoojiyaan Maamulka Dowladaha Hoose ee Magaalooyinka waa-weyn.

Xisbiga Mucaaradka ah ee DA ayaa ah kan Hoggaaminaya labada magaalo ee waa-weyn ee kala ah Port Elizabeth iyo Pretoria, inkastoo uusan helin Aqlabiyada Codka 51% ah, taasoo uu ku ahaan lahaa Xisbi Awood u yeesha inuu maamulo magaalooyinkas balse, wuxuu helay 46.71% – Port Elizabeth halka Magaalada Caasimadda ah ee Pretoroa uu helay 43.12%, isagoo noqday xisbiga ugu horeeya codadka Magaaladaas balse awood ahaan uusan maamuli karin uuna u baahan yahay Isbahaysi.

Sidoo kale, Xisbiga ANC ee talada haya ayaa codad dheeraad ah wuxuu ku hoggaaminaya Magaalooyinka Johannesburg iyo Ekurhuleni oo uu 44.56% iyo 48.64% ka helay, wuxuuna u baahan yahay Xisbigaan Isbahaysi si uu u Maamulo labadaas magaalo oo ah kuwa ugu waaweyn.

Labada Xisbiga ee isku haya Awood maamulid ee Magaalooyinka Pretoria, Johannesburg, Port Elizabeth ayaa mid waliba wuxuu isbahaysi ka doonayaa Xisbiga EFF [Economic Freedom Fighters] oo ah kan saddexaad uuna hoggaanka u hayo Julius Malema oo mar sii horreeysay soo noqday hoggaamiyaha Dhallinyarada Xisbiga ANC.

Xisbiga EFF ayaa wuxuu noqonaya Xisbiga kala saari doona labadan Xisbi ee ANC iyo DA, midkii uu raaco uu codadka siiyo ayaa wuxuu Suuro-gali doona inuu Awooda maamulida Magalooyinka lana wareego.

Ugu dambeyn, Waqtiga kama dambeysta ah ee la doonaya inay labada xisbi kusoo af-jaraaan Awood qaybsiga ayaa ah muddo 15 maalmood ah si uu xisbi walba u awoodo sidii uu wax u maamuli lahaa.

warsom2011@gmail.com

salaam bankbeccotabaarak