KHaatumo iyo Somaliland oo wadahadallo u furmeen/maxey la xiriiraan?.

0
199

Wadahadalo ayaa u furmay Khatumo iyo Somaliland. Khatumo ayaa madaxweynaheeda Cali Khaliif Galeyr uu u xaqiijiyay arinkaa warbaahinta.

Somaliland ayaa gooni isu taagtay sanadkii 1991 kadib markii dawladii dhexe ee Soomaaliya ay burburtay. Si kastaba wax aqoonsi ah maysan ka helin beesha caalamka min waqtigaa ilaa iyo hada.

Waxaa muran uu ka taagnaa gobolada Sool iyo Sanaag iyo Ceyn oo Puntland iyo Somaliland midba gaar u sheegto.

Sidoo kale ayaa Khatumo waxay ku andacootaa inaysan midna raacsanayn. Haatan Cali Khalif Galayr wuxuu xaqiijiyay inay ku hungoobeen dawlada federaalka ah ee Soomaaliya iyo mashruucii New Deal oo uu sheegay inaysan dan Soomaaliyeed wadin, waa siduu hadalka u dhigaye.

Wuxuu sheegay wada hadalada bilowday in la doonayo in lagu xalliyo dagaalo Somaliland iyo Khatumo ku dhexmaray Saaxdheer iyo meelo kale oo wada hadal wax dhaama uusan jirin.

In dhawaale waxaa jiray meelahaa laisku heysto warar sheegaya in shidaal laga baarayo isla markaana shirkadaha baaraya oo ajnabi ah ay doonayaan nabad meelahaa ka dhacda si ay hawshu ugu fududaato isla markaana ay ayagu wadahadalada cadaadis ku saarayaan darfaha is haya.

Arinkaa waa uu beeniyay Barafasoor Cali Khalif Galayr.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam banktabaarak