Gudiga doorashada qaloocan ee aan sharciyadda heysan oo maanta shaaciyey jadwalka doorashada 2016.

0
579

Shir jaraa’id oo Maanta uu Muqdisho ku Qabtay Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Dadban ee Somalia, Avv. Cumar Maxamuud C/lle (Dhagey), ayuu ku shaaciyay Jadwalka qaabka ay u dhacayso doorashada lagu wado inay sannadkan ka dhacdo Soomaaliya.

Avv. Cumar Dhageey, ayaa sheegay in doorashada xubnaha aqalka sare ay dhici doonto 25-ka bisha September ee sannadkan, sidoo kale Doorashada Aqalka Hoose ay dhici doonto 24-ka September illaa 10-ka Oktoobar.

Sidoo kale, Doorashada Guddoonka Baarlamaanka cusub ayuu Shaaciyay in ay dhacayso 25-ka Bisha Oktoobar, waxuuna carrabka ku dhuftay in Doorashada madaxweynaha ay dhici doonto 30-ka bisha Oktoobar ee Sannadkaan.

Horay ayaa waxaa loo shaaciyay in doorashada Gudoonka Baarlamaanka ay dhici doonto 28-ka bisha Oktoobar, halka tan madaxweynaha Soomaaliya ay dhici doonto 07-da bisha November ee sannadkan 2016-ka.

Dhanka kale Jadwalkii hore ee ay shaaciyeen warbaahin ay ka mid tahay HOL ayaa waxaa la sheegay in is-bedel lagu sameeyay, kadib markii mas’uuliyiinta Madasha Wada-tashiga Doorashada ay doodka yeesheen, taasoo keentay in Waqtigaas laga soo hormariyo.

Ugu dambeyn, Madasha Wada-tashiga Doorashada dalka ayaa weli Muqdisho ka socota, waxaana la dhawrayaa go’aannada laga soo saaro, balse si dhab ah looma oga xilliga War-murtiyeedka shirkan uu soo bixi doono.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam banktabaarak