Waxaa la
qiyaasay inay celinta qaxootiga
Soomaalida ah ee kunool xeryaha
Dhadhaab ee Kenya ay ku bixi doonto
lacag dhan Ksh20 bilyan.
Waxaa sidaa lagu sheegay warbixin uu
soo saaray guddi farsamo oo arinkaa ku
saabsan celinta qaxootigaa loo xil
saaray.
Qarashkaas waxaa kujira raritaanka
qaxootiga ama celinta iyo deeqo
lacageed oo qaxootiga lasiinayo taasoo
gacan qabsi ah iyo weliba u gaditaanka
alaabo aan cunno ahayn (NFIs).
Dawlada Kenya ayaa durba u meel
dhigtay Ksh1b celinta qaxootigaa.
Warbixinta oo loo gudbiyay ama
guddigaasi u gudbiyay Wasaarada
Amuuraha Gudaha ee Kenya ayaa
muujinaysa in inta badan qarashka la
filaayo inuu ku baxo celinta qaxootigaa
Dhadhaab looga fadhiyo QM.
Warbixintaas oo ka kooban 23 bog ayaa
muujinaysa in deegaanka ay wax u
dhimeen qaxootigaa oo gaaraya in ka
badan 300 oo kun isla markaana ay
tahay in sida ugu dhaqso badan loo
celiyo.
Ilaa iyo haatan waxaa dib Soomaaliya
ugu noqday qaxooti dhan 14,000
qorshaha ay ku laabteen ayaana qeyb ka
ah heshiis ay wada saxiixdeen UNHCR,
waa hayada QM u qaabilsan qaxootiga,
Kenya iyo Soomaaliya sanadkii 2013
kaasoo dhigaya inaan qaxootiga la
qasbin ee iskood ay u laabtaan.
Qaxootiga Soomaalida ah ee Dhadhaab
ayaa halkaa kunoolaa tan iyo horraantii
sagaashameeyadii markii ay dhacday
dawladii dhexe ee Soomaaliya.
warsom2011@gmail.com





