Xarunta wasaaradii Maaliyada ay Muqdisho ku laheyd oo dayactir baahsani ka socdo.

0
632

Xaruntii
Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ay
ku lahad Muqdisho, gaar ahaan
Degmada Shingaani ayaa lagu billaabay
in lagu sameeyo Dayac-tir, si ay
Wasaaraddu ugu hawl-gasho muddo 25-
sano kaddib ah.

Dhismaha Xarunta Wasaaradda, ayaa
maraya meel Gaba-gabo ah, iyadoo la
filayo in xarigga laga jaro bisha July ee
soo socota. waxaana dhismahaan uu ka
kooban yahay 72-qol iyo dhawr hool
loogu talo-galay shirarka.

Sidoo kale, Wasaarada Maaliyadda CFS
ayaa Casriyeysay Nidaamka lagu
Canshuuro Nootaayooyinka illaa iyo
iminkana, waxaa isticmaala nidaamkaan
53-nootaayo oo ka howl-gala Muqdisho.

Nidaamkan cusub ayaa u Shaqeeya Qaab
Online ah, waxaana arrinkan sababay
kor u kac dhaqaale iyo ka hor-tagga
musuq-maasuqa. Nootaayooyinka ayaa
kala iibiya hantida ma guurtada ah iyo
tan guurta, waxaana dhamaan lacaga
wax lagu kala gato laga qaada canshuur.

Ugu dambeyntii, Wasaaradda
Maaliyadda XFS – ayaa ku guulaysatay
hir-galinta nidaamka Maamulka
Maaliyadda Dalka, kaas oo hadda lagu
baahiyey Maamul-goboleedyada,
Arrinkaas oo kor u Qaadaysa Kalsoonida
Deeq-bixiyeyaasha Caalamka.

salaam bank