Uhuuro kenyata m/weynaha Kenya oo la weydiistey in ciidamada Kenya laga soo saaro Soomaaliya.

0
558

Guddoomiyaha deegaanka Bomet ee wadanka Kenya, Isaac Ruto ayaa ka dalbaday madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta inuu Ciidanka Kenya kasoo saaro gudaha Somalia, isagoo tixgelinaya cabashadooda.

Isaac Ruto oo magaalada Kericho kula hadlayay mas’uuliyiintii hore ee golaha deegaanka, ayaa ku boorriyay in Warbixinnada ka imaanaya Soomaaliya ay sheegayaan in Ciidamada Kenya ay yihiin kuwo Somalia u galeen qaab awood sheegasho ahaan ah.

“Haddii bulshada Soomaaliyeed intooda badan ay qabaan aragti ah in ciidamada Kenya ay Dalkooda ku tageen qaab Awood-sheegasho ah, waa inaan Muujinnaa in aanan wax dan ah ka lahayn Somalia,” ayuu yiri Ruto.

Ma ahan markii ugu horreysay oo mas’uuliyiin Kenyaan ah ay dalbadaan in ciidanka KDF-ta Kenya laga soo saaro Somalia, inkastoo ay ku gacan-sayreen dalabyadaas mas’uuliyiinta dalka Kenya.

Sidoo kale, hadalka Isaac Ruto ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo bishii lasoo dhaafay ee Janaayo tiro ka mid ah askarta Kenya lagu laayay Saldhig ay Deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo ku lahaayeen, Al-shabaabna ay sheegtay inay ku qabadeen nolosha 12-askari oo kale.

Al-shabaab ayaa waxay horay uga dalbatay xukuumadda Kenya inay ciidamada kala baxdo Somalia, haddii ay doonayaan inay ka joojiyaan Weerarrada joogtada ah ee ay Dalkooda la beegsanayaan.

Ugu dambeyn, Kenya ayaa waxaa kaga sugan gudaha Somalia kumannaan Askari oo qayb ka ah Hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM] iyadoo madaxweyne Uhuru Kenyatta uu dhowr jeer oo hore u diiday in Ciidamadiisa aysan ka soo bixi doonin Somalia illaa nabadda laga soo celinayo.

Si kastaba ha ahaatee, lama oga Jawaabta Madaxweynaha Dalka Kenya uu ka bixin doono codsigan kaga yimid guddoomiyaha deeegaanka Bomet, Isaac Ruto ee ku aadan in laga soo saaro gudaha Soomaaliya ciidamada Kenya ee qaybta ka ah Howlgalka AMISOM.