Ciidamada dawlada federalka ah iyo kuwa dagaalyahanada Al-shabaab oo dagaal ku dhexmarey Marka duleedkeeda.

0
552

Wararka laga helayo Degmada Marko ayaa sheegaya inuu maanta dulleedka degmadaas iska-horimaad ku dhexmaray xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada Dowladda Somalia oo garabsanaya kuwa AMISOM. Iska-horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Buufow-bacaad Qiyaastii 3-km ka xiga Marko dhanka Waqooyi.

iyadoo Dagaalkan uu Qarxay markii Al-shabaab ay weerareen ciidammo millateriga Somalia ka tirsan kuwa AMISOM oo Xamar ka tagay. Sidoo kale, Wararka ayaa intaas ku daraya in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen deegaanka Buufow oo ay marto waddada labaad ee Marka dhinaca bacaadka ka gasha.

Iyadoo aan illaa hadda la ogeyn khasaaraha labadan dhinac soo kala gaaray. Guddoomiyaha Degmada Marka, Xasan Cumar Macallin oo la Hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay inay la wareegeen deegaanka Buufow-bacaad, isla markaana ay ku hayaan gacanta deegaankaas ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Marka ayaa ku adkeystay inay gacanta ku hayaan Magaalada Marka, laakiinse Wararka dadka Deegaanka laga helayo ayaa ku soo warramaya in xoogag taabacsan Al-shabaab ay wali magaalada ku sugan yihiin.

Labadii Casho ee u dambeeyay ayaa gacan ku haynta Degmada Marka Waxaa isku bedelay ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo Al-shabaab, inkastoo mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo Taliska guud ee Ciidamada AMISOM ay ku adkeysanayaan inay iyagu gacanta ku hayaan degmada Marko.

Ugu dambeyn, Xaaladda degmada Marko ayaa haatan deggen, iyadoo shacabka ku nool ay Tan iyo saakay ku jireen Xaalad cabsi ah, iyagoo baqdin ka qabay in Dhinacyada isku haya gacan ku haynta degmadaas ay ku dul-dagaalamaan.