Xisbiga midnimada Jamhuuriga soomaaliyeed oo hambalyo iyo bogaadin ku aadan sanadguurada 1’aad u direy madaxda iyo xubnaha xisbiga DALJIR.

0
57

Gudmiha xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed C/nuur Axmed Darmaan Gud/kuxigenka xmjs Cali Maxamed Nuux(timajilic),gudiga fulinta golaha dhexe iyo dhamaan xubnaha xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed,waxey hambalyo ku aadan munaasabada sanadguurada koowaad ee kasoo wareegtey aas aaska xisbiga Daljir u direen madaxda iyo xubnaha xisbiga Daljir.

Munaasabad lagu maamusayey sanadguuradii 1’aad ee aas aaska xisbiga Daljir oo maanta ka dhacdey magaalada muqdisho ayaa waxaa ka hadley madaxda xisbiga daljir oo uu ka mid ahaa xoghayaha guud ee xisbiga Daljir Axmed Macalim Fiqi,odey dhaqameedyo,madaxda garabyada xisbiga,xildhibaano iyo madax ka kala socotey xisbiyada siyaasada dalka soomaaliya.

Waxaa sidoo kale munaasabada ka hadley marti sharaf lagu casuumey xafladda iyadoo mas’uuliyiinta hadley ay dhamaantood ku nuux nuux sadeen in aan hada wixii ka danbeeya loo baahneyn xil iyo mas’uuliyad laaluush lagu gato oo la gaarey waqtigii doorashooyinka xisbiyada badan,loona baahanyahey in sanadka 2016ka ay doorasho qof iyo cod ka dhacdo,kana dhici karto dalka hadii aan xukuumada hada dalka hugaamisaa meelo kale ku meereysan.

DHanka kale waxaa mas’uuliyiintii goobta ka hadley BAAQ u direen walaalaha G/kacyo in ay horumarka gobolkooda ka wada shaqeeyaan oo ay ka hor yimaadaan kuwa dhiiga wiilashooda siyaasadeynaya si ay iyagu dan ugu gaan,waxaana gababangebadii loo rajeeyey madaxda iyo xubnaha xisbiga DALJIR in ay sanadkan sanadkiisa ku gaaraan barwaaqo iyo horumar,kala sooc iyo qabyaaladana ka fogaadaan..