Madaxweynaha Dowladda Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku celiyay in siyaasad xumida Somalia haysata ay horseedi karto in la gaari waayo halkii la hiigsanayay oo ah in dib loosoo celliyo kala danbeyntii iyo dowlad-wanaaggii Somalia.
Xasan Sheekh ayaa xusay in siyaasad xumada jirta ay sabab u tahay inaan la gaarin ujeed-dooyinkii la lahaa, isgaoo intaas ku daray in haddii aan la hagaajin saiyaasada aysan jirin wax wanaagsanaanaya.
Haddii la arko innagoo waqtiga intiisa badan gelinayna siyaasadda ha naloo cudur-daaro. Waayo waxaan rumeysannahay in siyaasadu hadaanay hagaagin aysan waxba hagaagayn,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale, madaxweynaha Somalia ayaa xusay in ciidan oo keliya aan dowlad-nimada lagu gaari karin, balse waxa loo baahan yahay ay tahay in siyaasadda la hagaajiyo, si ujeeddooyinka la leeyahay oo dhan ay u noqdaan kuwo la gaaro.
“Dowladda federaalka Somalia waxaa ka go’an inay soo celiso dowlad-wanaagga iyo abuurista siyaasad wanaagsan si loo samata-bixiyo ummadda Soomaaliyeed ee u baahan inay helaan nolol iyo hormar taam ah,” ayuu mar kale yiri Xasan Sheekh..
Ugu dambeyn, madaxweynaha Somalia ayaa horay u sheegay in shacabka intiisa badan ay ku milmeen siyaasadda oo la arko uu ka hadlayo siyaasad oo kaliya; iyadoo aanay jirin wax kale oo ay ummaddu ku mashquulsan tahay.