Beesha caalamka Q/midoobey iyo kooxda madasha higsiga 2016 oo shir u socdey soo gaban gabeeyey.

0
487

Shirkii todobaad ee madasha wada-tashiga Somalia iyo dalalka iyo hay’adaha caawiya Somalia ee HPLF ayaa lagu soo Gunaanaday Muqdisho gellinkii dambe ee maanta.

Kulanka ayaa waxaa ka qayb-galay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Hoggaamiyeyaasha Jubbaland, Puntland, Koonfur-galbeed iyo Galmudug, wakiillo ka kala socday gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan, mas’uuliyiin ka socday Beesha Caalamka, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub.

Shirkan oo halka maalin ahaa ayaa lagu qiimeynayay waxyaabihii u qabsoomay Somalia lixdii bil ee lasoo dhaafay, tan iyo markii uu qabsoomay shirkii lixaad ee heerka sare ee waddamada iyo hay’adaha iskaashiga la leh Somalia (High Level Partners Forum bishii July ee sannadkan 2015-ka.

Madashan ayaa noqoneysa tii ugu horreysay ee ay kasoo qayb-galaan dhamaan madaxda dowladda federaalka Somalia iyo kuwa maamul-goboleedyada dalka ka jira. Iyadoo looga hadlay shirka siyaasadda, ammaanka iyo horumarka laga sameeyay barnaamijyada kale ee la xiriira cahdiga cusub (New Deal).

Barnaamijka cahdiga cusub ayaa ah hab la isugu dubarido kaalmada Soomaaliya la siiyo, iyadoo saddexdii sannadood ee lasoo dhaafay lagu bixiyay lacag gaaraysa 650-milyan oo doollar barnaamijyo ay isku afgarteen dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

Arrimaha siyaasadda waxaa shirka looga hadlay hannaanka doorasho ee Somalia inta ay qaadan doonto, taageerada dhaqaale ee loo baahan yahay si loo dhaqan-geliyo doorashada, dib u eegista dastuurka dalka iyo dhammeystirka dhismaha maamul goboleedyada.

Dhanka amniga waxaa lagu soo bandhigay shirka warbixinno la xiriirta fulinta barnaamijka Guul-wade, Hir-gelinta barnaamijka Heegan, is-waafajinta labada barnaamij ee Guul-wade iyo Heegan iyo weliba xoojinta hawlgallada milatariga ee dalka ka socda.

Sidoo kale, arrimaha maaliyada iyo dib u soo kabashada dhaqaale ee dalka ayaa ka mid ah waxyaabaha laga dooday shirkii maanta, iyadoo si gaar ah loo xusay maamulka maaliyada, miisaaniyadda, doorka muhiimka ah ee kaabeyaasha dhaqaalaha ka qaadan karaan kobcinta dhaqaalaha.

Waxaa iyana hordhac ahaan uu shirka uga hadlay sidii loo diyaarin lahaa qorshe heer qaran oo dhinaca horumarinta dalka, kaas oo beddeli doona barnaamijka haatan socda ee Cahdiga Cusub oo afar jirsadey.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo Warbaahinta la hadlay markii uu kulanku soo dhammaaday ayaa sheegay in arrimaha shirka looga hadlayo ay ka mid ahaayeen, amniga, siyaasadda, isku-dhafka ciidamada, doorashooyinka dalka ka dhici doona iyo weliba dhismaha maamul-goboleedyada dalka.

“Shirka, waxaa looga hadlay arrimaha siyaasadda, Doorashada amniga, habka loo sameyn doono doorashada dalka dhici doonta sannadka 2016, dhismaha maamullada, dib u eegista dastuurka, isku dhafka ciidamada iyo qodobbo kale,” ayuu yiri RW Sharma’arke.

Isagoo intaas ku daray. “Arrinta isku-dhafka ciidamada aas-aaska u noqon lahaa ciidamada Qaran ee Soomaaliya, kuwaasoo la doonayo inay wax ka qabtaan xaalada amni ee dalka ka jira, ayaa ahaa qodob si aad ah ay uga doodeen xubnihii shirka kasoo qaybgalay.”

Ugu dambeyn, kulankaan ayaa wuxuu daah-fur u ahaa kulan bisha Feberaayo 2016-ka lagu qaban doono magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga kaasoo Soomaalida laga doonayo inay kusoo bandhigaan habka doorasho ee Somalia ka dhici doonta si Beesha Calaamku ay uga uga taageeraan qabashada doorashadaas.