Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya oo wada Mooshin ka dhan ah Faarax C/qaadir.

0
505

faarax-wasiirQaar ka tirsan Xildhibaanada Dowladda Federaalka ay wadeen Mooshin ka dhan ah Ra’iisal Wasaaraha Somaliya C/weli Shiikh Axmed waxaa soo baxay in Xildhibaanada ay ku kala qeyb sameen Mooshinkaasi, waxaana dadaalo lagu Joojinayo arrintaasi sameeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka Somalia Mudane Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada oo la soo xiriiray Horseed Media ayaa waxa ay sheegeen in ay wadaan Mooshin ka dhan ah Wasiirka Xanaanada Xoolaha horeyna u ahaa Wasiirka Caddaaladda iyo arimaha Dastuurka Faarax C/qaadir.

Xildhibaanada ayaa Faarax C/qaadir ku eedeeyey in uu ka masuul ahaa kalsoonida in lagala laabto xukuumadii Ra’iisal wasaare Saacid ka dib markii uu khilaaf ku abuuray Madaxweynaha iyo Ra’iisala wasaare Saacid.

Sidoo kale xildhibaanadan waxay eeda khilaafka dowladda federaalka ee hada dusha ka saareen wasiirkii hore cadaalada hadana loo bedelay xanaanada xoolaha Faarax C/qaadir ka dib markii uu warqad u gudbiyey madaxweynaha oo ku eedeynayo Ra’iisal wasaaraha sida ay sheegeen xildhibaanadan.

Xildhibaanadan ayaa sheegay in xalka madaxda dowladda uu ku jiro mooshinkan kalsoonida lagala laabanayo Faarax C/qaadir ayna ku dadaalayaan in uu dhaqan galo mooshinkan.

Mooshinkan ayaa ah mid isaguna ku cusub khilaafka dowladda waxaana si xoogan uga dhex muuqda xildhibaanada ka soo horjeeda mooshinkii xukuumada laga keenay.