Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay shir looga hadlayey Barnaamijka New Dealka (Hiigsiga Cusub) ee Sanadka 2016, shirkan waxaa ka qayb galay oo goobjoog ahaa madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, Wakiilka Qaramada Midoobay, wakiilo ka socda dalalka daneeya arrimha Soomaaliya iyo wakiilo ka socdo Maamul goboleedyada sida Puntland, Jubbaland iyo Galmudug.

Shirkan oo saacado badan qaatay ayaa gunaandkiisa waxaa saxaafada la hadlay madaxda dowladda iyo wakiil Qaramada Midoobay waxayna soo bandhigeen qodobada ugu muhiimsan ee ay kawada hadleen oo uu ka mid yahay ajandaha shirka todobaadka dambe ka furmaya dalka Denmark.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey goobta ayaa sheegay in ay ka hadleen barnaamijka hiigsiga cusub iyo sida uu muhiimka ugu yahay dalka in lagu guuleysto 2016, Madaxweyne Xasan ayaa ka hadlay muhiimada shirka Copenhagen todobaadka dambe ka furmaya u leeyahay Soomaaliya.
Ra’iisal Wasaaraha dalka C/wali Sheekh Axmed ayaa isna dulmar ku sameeyey howlaha xukuumadiisa ay ka qabatay hirgelinta barnaamijka Hiigsiga cusub ee ay ka fulisay dalka sida Amniga, xiriirada maamul goboleedyada iyo dhismayaasha maamul goboleedyo cusub, Isagoo sheegay in xukuumadiisa hirgelinayso guusha lagu gaari karo barnaamijka New Deal 2016ka.
Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay ayaa sheegay in dalka Soomaaliya ka soo kabsaday dhibaatadii dheerayd uuna ku socda wadada nabada iyo hormarka balse ay jiraan carqalado yar yar oo horyaala madaxda dalka looga baahan yahay in ay ka gudbaan.
Shirkan waxa uu gogol xaar u yahay shirka todobaadka dambe uga furmaya masuuliyiinta dalka iyo wakiilo ka socda dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya dalka Denmarka magaaladiisa Copenhagen oo looga hadlayo barnaamijka New Deal (Hiigsiga Cudub) 2016.




