“Xasan Sheekh Maxamaud” Dadka Soomaaliyeed Waxaan U Sheegayaa Inaanay Niyad Jebin Hadii Ay La Kulmaan Dhacdooyin Mararka Qaar Dhaca.

0
484

masuuliyiintaXasan Sheekh Maxamuud (Gur-Guurte) Madaxweynha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa khudbad Uu Caawa Ka Jeediyey Aqalka Laga Maamulo Soomaaliya Ee (Villa Somalia) Kaga hadlay arrimo dhowr ah gaar ahaan marxaladaha dalku ka soo gudbay xaalada hadda uu ku saganyahay iyo hiigsiga sanadka 2016 Ee Doorashada Madaxtinimo.

Sidoo Kale Madaxweynaha ayaa ugu horeyn si koban u sharaxay guulaha la taabankaro ee la gaaray isagoo sheegay in ay ku guuleysteen arrimo badan oo qeyb ka ah xoojinta dowladnimada.

Xasan Sheikh Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ayaa ka hadlay muhiimada ugu jirta dalka iyo dadka hiigsiga 2016 oo uu sheegay in muhiim uu u yahay dalka islamarkaana u horseedayo horumaro kale duwan dhinac waliba leh.

Madaxweynaha Shacabka soomaliyeed ayuu u ifiyay xaalada msutqabalka ee ay dowlada somaliya la dooneyso oo uu tilmaamay in dowlada ay wado qorshayaal lagu xoojinayo Dowladnimada oo ah mustaqbal soo bidhaamaya.

Madaxweynaha Soomaliya mudane Xasan Sheekh Maxamaud ayaa u sheegay dadka Soomaaliyeed inaanay niyad jebin hadii ay la kulmaan dhacdooyin mararka qaar dhaca.

Dhisida maamulada Koonfur Galbeed iyo gobolada dhexe ayuu madaxweynuhu so hadal qaaday qorshaha ay dowladu ka dmaacsanathay xiligan oo sheegay in ay doonayaan in dalka laga hirgaliyo Federaalka si cadaalad ah.

Ciidamada qalabka sida oo ah awooda dowlada ayuu madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud sheegay in uu socdo tababaro lagu horumarinayo ciidamada ayna ku tilaabsanayaan horumaro kuwaa oo soo hooyay guula waaweyn oo la taaban karo.