Kulankii Baarlamaanka Oo Maanta Fashilmay,Iyo Jawaari Oo Jahwareerisay Heesta Somaliyee Toosoo.

0
554

Baarlamaanka-SoomaaliyaKulankani oo ay soo xaadireen 216 Xildhibaan ayaa waxaa isku diyaarinayey inuu shir guddoomiyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayadoo Guddoomiye ku-xigeennada Koowaad iyo Labaadna ay goobjoog ka ahaayeen ayaa markii uu Guddoonka Baarlamaanka soo galay hoolka ay Xildhibaannadu ku shirayaan waxa ay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo aad uga soo horjeeda in Baarlamaanka la hor keeno mooshin kalsoonida lagala laabanayo Xukuumadda Ra’isulwasaare C/weli bilaabeen iney qaadaan Heesta Soomaaliyeey Toosoo.

Maalinnimadii talaadada aheyd ee todobaadkii hore oo ay taariikhdu ku beegneyd 11kii bishan November ayuu sidan oo kale u suurtageli waayey kulan loo qorsheeyey in Xildhibaannada loogu qeybiyo mooshin kalsoonida loogala laabanayo Xukuumadda Ra’isulwasaare C/weli, ayadoo kulankaasina ay sidan oo kale buuq ku sameeyeen Xildhibaannada kasoo horjeeda mooshinka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Mudo 20 Daqiiqo ah ku Qeylinayay Xildhibanao Farsiista,Fikirkiina Nidaam ku soo bandhiga,waxaana Xildhibanada Taageersan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ay ku heesayeen Soomaaliyeed Toosoo Isku Diirasanaada.