Munaasabadda qalab wareejinta oo lagu qabtay xarunta Degmada Wadajir ayaa waxaa ka soo qeyb galay Gudoomiye ku xigeenka arrimaha siyaasadda degmadaWadajir mudane, Abdifitaax Barre Guure oo hadlo kooban kadib uga mahadceliyay maamulka Gobolka Banaadir mashruuciisa Danguud qalabka ay maanta ku wareejiyeen saldhigga degmada wadajir.
Taliyaha Saldhigga degmada Wadajir Cabdi Maxamuud oo qalabka lagu wareejiyay ayaa isaguna hadalo isugu jiray mahadcelin iyo dhiiragelin ka jeediyay munaasabada.
Ugu dambeyntii shacabka degmada ee kasoo qeyb galay munaasabadda qalab wareejinta ayaa su’aallo ku aadanaa wadashaqeynta saldhigga iyo shacabka degmada ka dhexeysa waydiiyay Taliyaha Saldhigga degmada Wadajir.




