Ciidamada Dowladda Oo Baaritaano Ka Wada Qeybo Ka Mid Ah Magaalada Muqdisho

0
325

PoliceCiidamada Amaanka Soomaaliya ayaa Saakay Qeybo ka md ah Magaalada Muqdisho ka wada Baaritaano Xoogan oo lagu Xaqiijinayo Amaanka Magaalada Muqdisho,waxaana Baaritaanada Xoogooda ay ka socdaan Wadada Maka Al-mukaramma oo ka mid ah Wadooyinka ugu Mashquulka badan Magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa Baaritaano ku sameenaya Gaadiidka Nuucyadiisa kala Duwan,waxaana Dadka sidoo kale Laga Soo Dajinayaa Gawaarida Ay Saaranyihiin Iyadoo Ay Ciidamada Mid Mid u Baarayaan Kadibna Ay Sii Wadanayaan Socdaalkooda Hadii Aysan Jirin Wax Lagu Qabtay Ama Shaki Laga Qaaday Dadkaasi Shacabka Ah.

Baaritaanka ayaa ka socda Iskooyska Xaawo Taako ilaa Isgooyska Banaadir ee Degmada Hodan Waxaana sidoo kale Howlgalka Barbar socda Baaritaano lagula Dagaalamayo Gaadiidka Muraayadaha Madoow ee Besolka ah,kuwaas oo laga Fiiqayo Gaadiidka Lamana Oga Waxa Sababay In Ay Saakey Ciidamada Dowlada Kula Soo Dheel Madaan Baaritaankani.