Dowladda Soomaaliya Oo Soo Bandhigtay Diyaarad Kormeer Ku Sameynaysa Badda Soomaaliya

0
515

Maxamuud Colow Barrow, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Diyaaradaan ay soo kireesteen muddo lix bilood ah, wuxuuna magaceeda ku sheegay Fish Patrol.

Shaqada ay qaban doonto, ayuu sheegay inay tahay in todobadkiiba hal mar ay soo kormeerto badda Soomaaliya, sidoo kalena ay sawiro kasoo qaado maraakiibta iyo doomaha sida sharcidarada ah uga kaluumeysta badda Soomaaliya si loola xisaabtamo doomaha iyo maraakiibtaasi.

Qorshahaan cusub, ayaa Wasiir Barrow, wuxuu ku tilmaamay mid lagu ilaalinayo kheyraadka ku jira badda Soomaaliya si looga celiyo maraakiibta sida sharcidarada ah uga faa’iideysanaysa gurashada Kheyraadka baddeena ku jira.

Sawirada laga soo qaado Maraakiibta iyo sumadaha ay leeyihiin ee lagu garan karo, ayaa waxaa loo gudbinayaa caalamka si loogu dacweeyo caalamka, kadibna tallaabo sharciga waafaqsan looga qaado.

Waa qorshihii ugu horeeyay ee nuucaan ah oo ay soo bandhigto Wasaarada Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda, si loo ilaaliyo kheyraadka faraha badan ee baddeena ka buuxa.

Maraakiib Shisheeye ayaa si sharcidaro ah u gurta Kheyraadka kala duwan ee ka buuxa baddeena Soomaaliya.