
Sida Ay Shaacisay Dowlada Germany in Ay gacanta ku heyso sadex nin oo dhalinyaro ah oo loo heysto inay xubno ka yihiin kooxda Al Shabaab, halka labo kale oo heysta dhalashada Germany lagu hayo xabsi ku yaal Nairobi.
Dowlada Kenya ayaa sheegtay in 29kii bishii Agoosto ay qabatay labo nin oo lagu kala magacaabo Warsame AbdulWahid iyo nin lagu magacaabo Tebourbe Mounir.
Raggan ayey Kenya sheegtay inay kasoo qeyb qaateen dagaalka Soomaaliya isla markaana xubno ka yihiin Al Shabaab.
Dhinaca kale Sabtidii lasoo dhaafay ayey dowlada Germany iyaduna xirtay sadex nin oo dhalashada wadankaasi heysta oo diyaarad kasoo raacay magaalada Nairobi.
Sadex qof ee lagu qabtay Airporka Frankfurt ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Steven N. oo ah 26 sano jir, Abdullah W oo ah 28 jir iyo Abdulsalam W oo isaguna 23 jir ah.
Dhamaan dhalinyaradan ayaa lagu tuhunsan yahay inay kamid ahaayeen dhalinyaro badan oo ku biiray kooxda Al Shabaab kana soo dagaalamay gudaha Soomaaliya.
Dowlada Kenya iyo kuwa reer Galbeedka ayaa sheegay in isha ay ku hayaan dhaq dhaqaaqa kooxda Al Shabaab xili dhawaan la dilay hogaamiyaha kooxdaasi oo todobaadkan ku dhawaaqday inay qaadi doonto weeraro aargudasho ah.




