
Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed Ahna Ku Simaha Madaxweyne Darmaan Cali Max’ed Nuux Timajilic ayaa sheegay in uu yahay falka lagu xiray idaacadaha Shabelle iyo SKY FM Fal aad u xun islamarkaana lagu caburinayo Saxaafada Madaxa banaan Ee Ka Howlgasha Muqdisho.
Shir Jaraa’id Oo Uu Qabtay Mudane Tima Jilic ayaa Waxa Uu Baaq U Soo Jeediyey Dowladda Soomaaliya, in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u sii daayaan Shaqaalaha Idaacadda Shabelle iyo SKY FM ee Magaalada Muqdisho, sidoo kalena waa in dib loo furaa Idaacaddahaasi
Sidoo Kale Mr Cali Tima Jilic Ayaa Waxa Uu Madaxda Dowlada Ka Dalbaday in sida ugu dhaqsiyaha badan ugu jawaabto codsiga ku aadan sii deynta shaqaalaha iyo Maamulka Idacahaasi iyo waliba dib u furida idaacadaahaasi Madaxa Banaan.
“Tima Jilic”Idaacada Shabelle iyo SKY waxa Aay u doodaan xaquuqda dadka dhiban waana idaacado ku so shaqeeyay marxalado adag sidaa darteed waxaan mar labaad ku baaqaya in xabsiga laga sii daayo Shaqaalaha iyo Maamulka Idaacadahaasi.
Mudane Tima Jilic Ayaa Ugu Dambeyntii Cod Dheer Waxa Uu Dowlada Soomaaliya, Ku Booriyey in Warbaahinta Madaxa banaan aan Lacaburin lana siiyo xoriyad maadama aay ku shaqeeyan dal Bur Bursan Wuxuuna Intaasi Raaciyey Iney Muhiim Tahay Dowllada Soomaliya, In Ay U dhago nuglaato baaqyada ku aadan arintaasi.




