Hay’adda Xuquuda Aadanaha U Dooda ee Human Rights Watch Oo Marka Magaceeda La Soo Gaabiyo Loo Yaqaano (HRW) ayaa ku eedeysey ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM inay kufsi u geystaan gabdho yaryar oo Soomaali ah, kuwaasi oo inta badan xeryaha ciidamadaasi u doonta dawooyin iyo samafal Bini Aadanimo.
Human Rights Watch Shir jaraaiid oo ay ku qabatey magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya ayaa waxaa lagu xusey in falalka ciidamadaasi ay ku kacaan ay xitaa keeni karaan habacsanaan dhanka amniga ee xarrumaha Midowga Afrika ee Somalia Sidaa Darteed Amisom Marba Hadey U Bareertay Falalka Noocaani Oo Kale Ah Waa In Lagula Xisaabtamaa.
Dhanka Kale Dowlada Soomaaliya Ayaa Iyana Jawaab Ay Ka Muuqato Dabacsanaan Ka Bixisay Hadalka Iyo edeynta Ka Soo Yeertay Hay’adda HRW Kaasi Oo Ay AMisom Ku Cambaaryneyso In Ay Falal Kufsi Ah Kula Kacdo Gabdhaha Soomaaliya Wexyna Dowlada Jawaabteeda Naqotey Waan Baareynaa.




