Wararka laga helayo Degmada Kaaraan ayaa sheegaya in maanta Guddoomiye ku xigeenka Degmada Hiliwaa ee dhanka Siyaasada iyo amaanak uu ka badbaaday Qarax lala damacsanaa in lagu Khaarajiyo.
Kooxo hubeysan ayaa Bamb gacmeed ku weeraray Gaariga uu la socday Guddoomiye ku xigeenka oo marayay Degaanka Siisii gaar ahaan wadada u dhaxeysa Sanca iyo Isgooyska Fagax ee Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Degmada Hiliwaa oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Qarax Bambaano ahaa lagu weeraray Gudddoomiye ku xigeenka Degmada hase ahaatee uusan wax khasaaro ah ka soo gaarin.
Ilaa iyo hada lama shaacin Khasaaraha Nafeed iyo midka dhaawac ee ka dhashay Weerarkii Bambaanada ahaa ee maanta lagu qaaday Gaari uu watay Guddoomiye ku xigeenka dhanka Siyaasada iyo amaanka ee Degmada Hiliwaa.




