Dagaal Khasaaro geystay oo ka dhacay Qoryooley

0
555

Faah faahin ayaa ka soo baxeysa Dagaal Culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo taageero ka helayo kuwa AMISOM iyo Ururka Al Shabaab oo ka dhacay Degaan hoostaga Degmada Qoryooley ee Gobolka Sh.Hoose.

Dagaalkan ayaa la sheegay in uu ka dhashay Khasaaro kala duwan kadib markii Ciidamada AMISOM oo ka baxay Degmada Qoryooley ay jidka u galeen Dagaal yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab, waxaana halkaasi ka dhashay Khasaaro Nafeed.

Goobjooge ku suganaa Degmada oo la hadlay Garoowenews Online ayaa sheegay in Weerarkii Al Shabaab uu ahaa mid gaadmo ah islamarkaana Khasaaro Nafeed kagu gaarsiiyay Ciidamada AMISOM inkastoo aan wali la cayimin.

“Dagaalka wuu Cuslaa waxaa la isku adeegsaday hubka kala duwan, haa walaal, kuuma xaqiijin karo Khasaaraha Nafeed iyo Midka dhaawac ee ka dhashay Dagaalkan Ciidamada DFS, AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al Shabaab ku dhexmaray Qoryooley” intaa ayuu ku daray Goobjoogaha.

Degmada Qoryooley ee Gobolka Sh.Hoose oo gacanta ay ku dhigeen Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo AMISOM ayaa waxaa ka dhaca Weeraro kala duwan kuwaasi oo ay soo qaadaan Ururka Al Shabaab oo laga saaray Degmada hase ahaatee ku sugan Tuulooyin hoostaga.download-14