Ugu yaraan 5 Ruux ayaa ku dhaawacantay maanta kadib markii Diyaarado Dagaal ay markale duqeeyeen Degaan Duleedka ah Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe.
5 dhaawacnatay ayaa kala ah sida Goobjooge uu u sheegay Garoowenews Online, Labo Haweeyn, Labo Caruur iyo Oday Da’ah waxaana uu Khasaarahaa ka soo gaaray Weerar Duqeymo ahaa oo laga fuliyay Duleedka Degmada Jilib.
Weerarkan Duqeynta ah ayaa ka dhacday Degaan lagu magacaabo Faragurow oo 3 KM dhanka Galbed ka xigan Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe.
Weerarka kadib waxaa goobta soo gaaray Dagaal yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab kuwaasi oo isku gedaamay Degaanka iyo hareerahiisa, waxaana balan qaadeeyn Weeraro Culus ay ka geysan doonaan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.
Waxuu Weerarkan ku soo aadayaa Iyadoo Diyaarado Dagaal oo laga leeyahay Dalka Kenya ay Weerareen Saldhiga Ururka Al Shabaab ee Duleedka Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe.




