Baarlamaanka oo doortay Guddoomiye ku xigeen,

0
492

Guddiga Baarlamaanka u qaabilsan Hiigsiga doorashada 2016 loo mudeeyey in dalka ay ka dhacdo ayaa doortay guddoomiye iyo ku xigeen kaddib kulan uu ka qeyb galay guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Cabdi Cali Xasan oo ah wasiiru-dowlihii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha ayaa loo doortay guddoomiye halka xildhibaan Cilmi Maxamed Nuur loo doortay guddoomiye ku xigeenka guddigaasi.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa soo dhaweeyay doorashada, isagoo kula dardaarmay guddiga iyo hoggaankiisaba inay gutaanka waajibaadkooda si loo gaaro in doorasho xor ah ay dalka ka dhacdo sanadka 2016-ka.

Xildhibaan Cabdi Cali Xasan oo la hadlay guddiga doortay ayaa codsaday in lala shaqeeyo si baarlamaanku uu ugu guuleysto inuu wax ka qabto dastuurka qabyada ah iyo diyaarinta doorasho uu dalku galo xilliga loo qorsheeyay.

Gunaanadka kulanka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Muxammad Sh.Cusmaan Jawaari, ayaa Guddiga ugu mahad-celiyay sida wanaagsan ay doorashada u dhacday, wuxuuna xusay in Guddiga looga baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu daraasaad ku sameeyo sida doorashada Soomaaliya ugu soo dhici jirtay, sidoo kale laga tusaale qaato sida Somaliland iyo Puntland doorashada u sameeyaan. Guddiga waxaa hortaala su’aasha ah, Waa maxay nidaamka doorasho ee Soomaaliya laga fulin karo 2016?.

Guddoomiyaha ayaa kula dar-daarmay Guddiga in wadatashi badan uu la yeesho Maamulada, Khuburada iyo dadweynaha maadamaa laga sugayo sharci ahmiyad u leh dalka.

Guddoomiyaha ayaa kulanka ku soo xiray duco ku abbaaran inuu illaah Towfiiqda waafijiyo Guddiga.IMG_38812-515x343