BOOLISKA KENYA OO BAADI GOOB UGU JIRA DAD LOOGA SHAKIYAY QARAXYADII UGU DAMBEEYAY EE KA DHACA DALKAASI

0
467

Booliska Kenya ayaa ugaarsi ugu jira dad looga shakiyay qaraxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay suuq ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaasi oo sababay dhimashada 12 ruux iyo dhaawaca 90 ruux.

Saraakiil ka tirsan booliska dalka Kenya ayaa sheegay inay heleen xogo la xiriiri qaraxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka Kenya, iyagoo sheegay in laamaha sirdoonka ay la kaashanayaan baadi goobka dadkaasi.

Qaraxaaasi oo ka dhacay suuqa Gikomba oo 2 Kilometer dhanka bariga kaga beegan bartamaha magaalada Nairobi ayaa la sheegay inuu qaraxii labaad ee ugu khasaaraha badnaa ee todobaad gudahiis ka dhaca dalkaasi Kenya.
20348
Afhayeen u hadlay isbitaalka Qaranka dalka Kenya ee Kanyatta Natiobal Hospital ayaa sheegay in qaraxii labaad uu ahaa mid ka dhex dhacay gaari dhexdiisa oo ay ku dhinteen seddex maalin ka hor dad gaaraya 8 ruux, inka badanna ay ku dhaawacmeen.

Dowlada Kenya ayaa la kulantay qaraxyo iyo weeraro kala duwan waxii ka dambeeyay markii ciidamadooda ay usoo talaabeen dalka Soomaaliya bishii October sanadkii 2011.

Waxaana Alshabaab ay sheegteen masuuliyada weerarkii dhimashada badan sababay ee Westgate ka dhacay bishii September sanadkii 2013, kaasi oo ay ku dhinteen inka badan 60 ruux.

“Waxaan sameynayna waxaan awoodno , si aan ula dagaalano weerarada amni darada ah ee ka dhacaya dalka, sidaasi ayuu yiri madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.