Al Shabaab si kulul uga hadlay Duqeymihii Kenya ee Jilib

0
578

20143Ururka Al Shabaab ayaa faah faahino kala duwan ka bixiyay Weerar Duqeymo ahaa oo la sheegay in Kenya ay ku qaadeen Saldhiga ay ku leeyihiin Defmada Jilib ee Gobolka Jubadda Dhexe.

Guddoomiyaha Ururka Al Shabaab u qabilsan Gobolada Jubbooyinka Sheekh C.raxmaan Xudeyfa ayaa sheegay in Weerarkii Duqeymaha ahaa ee Kenya uu Khasaaro kala duwan u geystay Beel ku taala Degmada Isagoona tilmaamay in Kenyaanku aysan beegsan Saldhigooda.

“Kenya meysan Duqeyn Saldhiga Al Shabaab ee Degmada Jilib balse waxey Gantaalo ku dhufteen Beer uu la ahaa Qof Shacab ah, waana wax laga xumaado in Kenya ay sheegto beegsi ka dhan ah Saldhiga Al Shabaab” sidaasi ayuu yiri Sheekh C.raxmaan Xudeyfa.

Dhinaca kale, Dowladda Kenya ayaa sheegtay Weerarkii lagu qaaday Saldhiga Al Shabaab ee Degmada Jilib in ay ku Dileen Saraakiil iyo Muwaadiniin ka soo jeeda Kenya oo ka mid ahaa Al Shabaab.

Sikastaba, Weerarkan Khasaaraha kala duwan geystay ayaa waxuu ku soo aadayaa Iyadoo maalmo ka hor Kooxo lagu tuhmay Al Shabaab ay Weerar Qaraxyo ahaa ku qaadeen Suuqa Gikomba ee Mamagaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya.20143