Wafdi Uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Gaaray Magaalda Rome ee Dalka Talyaaniga “SAWIRRO”

0
454

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa
gaaray magaalada Rome ee caasimadda dalka Talyaaniga ayadoo wafdiga
Gudoomiyahana ay kusoo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha FIUMICINO Airport
ee magaalada Rome kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda
Talyaaniga, Safiirka Soomaaliya ee dalkan iyo Jaalliyadda Soomaaliyeed.

Booqashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari
iyo wafdigiisa ay ku joogaan dalkan Talyaaniga ayaa qaadan doonta mudo
Shan cisho ah waxaana ay ka dambeysay kadib markii uu casuumad rasmi ah ka
helay dhigiisa dalka Talyaaniga.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya
oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha FULIMICINO Airport ee
magaalada Rome ayaa xusay in booqashada isaga iyo wafdigiisa ay ku joogaan
dalkan Talyaaniga ay dhidibada u aasi doonto wadashaqeyn iyo iskaashi
dhexmara Baarlamaannada Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Maalinnimada burrito ah Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa waxa ay
kulammo la qaadan doonaan xildhibaanno ka kala socda xisbiyada
dalkan,gudoomiyaha aqalka Senetka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka
Talyaaniga ayadoo sidoo kalena uu Gudoomiyaha booqon doono magaalooyin
taariikhi ah oo ku yaala dalkan Talyaaniga oo ay ka mid tahay magaalada
Napoli.

IMG_5285

IMG_5287

IMG_5301

IMG_5306

IMG_5310

IMG_5322

IMG_5323

IMG_5329

IMG_5331

IMG_5332

IMG_5348

IMG_5354

IMG_5357

IMG_5363

IMG_5364

IMG_5368

IMG_5369

IMG_5370

IMG_5377

IMG_5381

IMG_5397

IMG_5402

IMG_5412

IMG_5421

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoonka Baarlamaanka

Media & Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so6