Xaalad Dhibaato oo heysata Barakacayaal Indhoolayaal ah oo duleedka Muqdisho ku dhaqan

0
509

Kadib Wariyayaal ka tirsan Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho oo booqday Kaam ay ku nool yihiin dad dhibaateysan oo u badan Indhoolayaal oo ku yaalla deegaanka Sarkuusta loo yaqaanno ee Duleedka Muqdisho ayaa waxaa Xaalad dhibaato oo ay heesataa dadkaasi ay kula soo kulmeen halkaasi.

Dhibanayaashaan oo aan Makaroofanka la dhex qaadnay ayaa Shabelle u sheegay in aanu helin wax gurmad ah islamarkaana ay heesato xaalad Nolol xumo oo aad u liidata.

“ Xalay waxaa naga geeriyooday Nin da’a ahaa oo Xanuunsanaa , waxa uu xamili kari waayay roobkii xalay da’ay maadaama aanu heysan meel uu kaga okorto” ayuu yiri mid ka mid dadka aan ku booqanay Kaamkaasi.

Muqdisho iyo daafaheeda ayaa waxaa ku yaalla xeryo iyo Kaamam kala duwan oo ay ku nool yihiin Barakacayaal fara badan oo aan heysan wax gurmad iyo samafal ah si loola tacaalo xaaladooda Nololeed.

DSC_0008