Sida uu Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho uga warbixiyay Guddoomiyaha Degmada Kaaraan ee Maamulka Gobolka Banaadir Labo Nin ayaa loo qabtay dilka Saraakiil ka tirsanaa Ciidanka Nabad Sugida dowladda Soomaaliya.
Kooxo Hubeysan ayaa waxa ay dil ugu geysteen Gudaha degmada Kaaraan Saraakiil ka tirsan Ciidanka Nabad Sugida Soomaaliyeed kuwaas oo lagu kala Magacaabi jiray Korneel Axmed Sheekh Cabdalla iyo C/raxmaan Cali Cabdi.
Korneel Axmed Sheekh Cabdalla ayaa la sheegay in Goobta lagu weeraray uu ku geeriyooday halka C/raxmaan Cali Cabdi isna dhaawac weerarkaas ka soo gaaray uu u dhintay.
“ innagoo la kaashaneyna Maamulka Degmada Yaaqshid ayaan gacanta ku soo dhignay Labo Nin oo aad loogu tuhun sanyahay in falkaasi ay ku lug lahaayeen” sidaasi waxaa yiri Axmed Xasan Yalaxow Guddoomiyaha degmada Kaaraan ee Maamulka Gobolka Banaadir.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa sheegay in ammaanka Degmada Kaaraan uu yahay mid la isku halleyn karo waxyaabahaas yar yar ee dhacayana ay yihiin kuwa aan saameyn doonin ammaanka ee Maamulka uu ka hortagi doono.




