BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO LOO JEEDIYAY INAY KU MASHQUULAAN WAX U QABASHADA SOOMAALIDA LAGU DHIBAATEYNAYO KENYA

0
58

ppppppppppppEx Xildhibaan Cali Maxamuud Faarax Seeko, oo kamid ah Xildhibaanadii Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya oo la hadlay Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa soo hadal qaaday dhibaatada dadka Soomaaliyeed ku heysata dalka Kenya.

Cali Seeko, ayaa sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya iminka looga baahan yahay inay xooga ay saaraan waxyeelada shacabka Soomaaliyeed loogu geysanayo dalalka dibada gaar ahaan dhacdooyinkii dalka Kenya.

Wuxuu sidoo kale sheegay in xiligan aan la joogin xiligii lagu mashquuli lahaa, wuxuu ugu yeeray dalaalnimo siyaasadeed oo uu kala jeedo la xisaabtanka wasiirada Soomaaliya.

Cali Maxamuud Faarax, ayaa soo jeediyay qorshe ku aadan in dowlada Kenya loo jaro calaaqaadka kala dhaxeeya dowlada Soomaaliya, iyadoo ay jireen dad Kenyan ah oo ku raaxeysanaya magaalooyinka dalkeena Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in kaliya aargudsi ay ugu filan tahay iyadoo la joojiyo qaadka laga keeno dalka Kenya oo la keeno dalka Soomaaliya, kaasi oo uu sheegay in faa’ido weyn dowlada Kenya ay ku qabto.

Hadalkiisa aya kusoo aadaya iyadoo magaalada Muqdisho uu ku sugan yahay safiirka Soomaaliya ee Kenya oo la doonayo in wax laga weydiiyo xeritaankii qunsulka Soomaaliya ee dalka Kenya.