Muqdisho: Kooxo Tooreey ku dilay Qof Rayid ah

0
440

Sida qof Deegaanka ah uu u xaqiijiyay Shabakadda Warbaahinta Shabelle Kooxo burcad ah ayaa xalay Tooreey waxa ay ku dileen Degmada Yaaqshid qof Rayid ah.

Kooxahaan o sida la sheegay doonayay in ay dhac u geystaan Guriga Ninka Rayidka ah ee ay ku dileen Tooreyda ayaa waxaa la tilmaaamay uin xilliga Ninkaas Rayidka ah ay dilayeen uu doonayay in dhacooda uu iska caabiyo.

Dhacdadaan ayaa ka dhacday Xaafadda Coca Cola ee degmada Yaaqshid waaana nawaaxiga guri dhawaan lagala soo baxay Gabar Jaamiciyad ahayd oo Kooxo Hubeysan ay dil ugu geysteen Gudaha degmadaasi.

Ma jiro wax war ah oo dilka qofkaan rayidka ah la xiriira ka soo baxay Maamulka degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir.download-113-150x150