Baarlamaanka Oo Weli Ku Dhagan Labo Wasiir Oo Xukuumadda Kamid Ah

0
250

DSC05319Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa weli ku dhagan labo Wasiir oo kamid ah Xukuumadda Dr C/wali Sheekh Axmed Maxamed, iyadoo maanta markale ay hortagayaan Baarlamaanka labadaasi Wasiir.

Wasiirada amniga iyo arimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta markale kasoo muuqan doona fadhiga su’aalo weydiinta Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka Xildhibaanada ayaa wuxuu furmayaa 10:00 Subaxnimo ee saaka, waxaana sida xeer hoosaadka Baarlamaanka uu qabo, Wasiir Waliba su’aalo weydiinta ay ku soconaysa 90-daqiiqo oo udhiganta saacad iyo bar hadii waqtiga uu ka dhaco oo ay u harsan yihiin su’aalo maalin kale in loo dhigayo.

Labada Wasiir ayaa waxaa u kala haray 21- iyo 19 Xildhibaan oo su’aalo weydiin doona, taasi oo ku qotonta shaqooyinka ay hayaan Wasaaradahaasi Xukuumadda ka tirsan.

Labadii maalin ee aan soo dhaafnay, ayaa waxaa si aad ah su’aalaha loogu kululeeyay Wasiirka amniga C/kariin Xuseen Guuleed oo ay si aad ah ugu dhaganaayeen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiir Guuleed ayaa noqday Wasiirka kaliya ee Baarlamaanka ay si adag ula xisaabtamaan, maadaama uu masuul ka yahay amniga guud ee dalka, si joogto ahna ay udhacaan falal lidi ku ah dhanka ammaanka Muqdisho iyo Gobalada dalka Soomaaliya.

Qeybta hore ee su’aalo weydiinta ayaa waxaa lagu bilaabayaa Wasiirka amniga C/kariin Xuseen Guuleed.