R/wasaaraha soomaaliya C/weli Sheekh Axmed oo markii ugu horeysey ka hadley duqeymihii muqdisho ka dhacey.

0
458

R/wasaaraha soomaaliya C/weli Sheekh Axmed ayaa ka hadley qaraxyadii labo habeen oo hore muqdisho ka dhacey,isagoon cidna ku eedeyn balse mas’uuliyadooda saarey dawlada.

Madaafiicda muqdisho lala dhacey oo uu taliyaha ciidanka booliska Madaale ku sheegey in ay ahaayeen artifishal iyadoo dadna ku dhinteen dadna ku dhaawacmeen,taas oo la dhihi karo waa mas’uulad daro weyn oo uu xilkiisa ku weyn karo.

Waa markii ugu horeysey ee ay xukuumadu ka hadasho duqeymaha muqdisho kusoo kordhey,waxeyna kusoo beegmeysaa iyadoo duqeymaha lala xiriirinayo ururada Al islaax iyo Aalla sheekh oo labaduba ah urur diimeedyo hubeysan oo magaalada hawlgal ka fulin kara.