Siyaasiga C/qaadir Xaaji Dhaqane ayaa isaga iyo labo nin oo soomaali mareykan ah ka afduubteen hotel ku yaal nairobi dalka kenya ciidamada dalka Ethiopia,isagoo bassabor dublamasi ah wata,waxaana ay kenya muujisey caro weyn oo ka dhalatey sirdoonka Ethiopia oo gudaha kenya ka hawlgalaya.
Siyaasiga C/qaadir Xaaji Dhaqane ayaa kamid ahaa siyaasiyiintii soomaaliyeed ee Asmara ku shirey kuwaas oo sheekh shariif shekh Axmed u doortey gudoomiyaha shirka Asmara,kadibna noqdey m/weyne.
Siyaasiga ayaa waxaa lagala gudbey xadka Kenya iyadoo loola gudbey dalka Ethiopia waxaana lagu soo waramayaa in barlamaanka dalka Ethiopia uu maanta dagaal sababey gacan ka hadal uu dhexmarey xubnaha soomaalida ah ee barlamaanka ku jira iyo kuwa qomiyadaha kale xanaaq ay ka qabaan xariga la soo xirey siyaasiga C/qaadir Xaaji Dhaqane iyo 3da kale ee somaalida ah,maadaama uu C/qaadir Xaaji Dhaqane walaalkiis uu kamidyahey Barlamaanka federalka ah ee Ethiopia.




