Xoghayihii maaliyada iyo warfaafinta C/fitaax max’d ayaa la sheegayaa in la xirey isagoo jooga ama degen Hotel Jazeera.
C/fitaax ayaa waxaa uu la socdey Shekh Xasan Daahir Aweys kaas oo la sii daayey markii sheekha la xirey,xoghayaha ayaa waxaa hotel jazeera kala baxey ciidamada nabadsugida uu hugaamiyo Bashiir Goobe iyadoon la ogeyn waxa sababey in hada la xiro,waxaana beryahan leysla dhexmarayey in la sii daayey sheekh Xasan Daahir Aweys oo gacanta dawlada dhexe ku jirey mudo dhawr bilood ah.
Waa markii koowaad oo ciidamada Nabadsugidda soomaaliya ay hotel caalami ah ama five star ah ay xushmeyn waayaan qofna kala baxaan,lama oga halka lala aadey iyo meesha lagu xirey,waxeyna kusoo beegmeysaa iyadoo labo habeen oo isku xiga magaalada muqdisho duqeyn aan loo meel dayin lala dhacey.




