Barlamaanka puntland ayaa maanta doortey m/weyne cusub,kaas oo bedelaya m/weynihii hore puntland C/raxmaan Sh/maxamu’d Faroole.
M/weynaha cusub ee puntland oo hore u ahaanjirey r/wasaaraha dawladii federalka Kmg ahaa,waana C/weli Cali Gaas,kaas oo kasoo jeeda gobolka mudug ee puntland.
Xilka maamulka puntland ayaa waxaa ugu horeeyey korneyl C/laahi Yusuf oo kasøo jeeda gobolka mudug,waxaa ku xigey Cadde muuse oo kasoo jeeda gobolka bari,waxaa ku xigsadey C/raxmaan faroole,iyo wareega oo hada ku yimid halkii ay kasoo bilaabatey oo ah mudug oo uu kasoo jeedey m/weynihii hore ee soomaaliya korneyl C/laahi Yusuf Axmed allaha u naxariistee.
Maahan markii ugu horeysey ee doorasho ku sheeg qabiil salka ku heysa taas oo ah in sadexda qabiil oo ugu waaweyn beelaha puntland iyadoo inta kale aysan ku hamiyin in ay m/weyne haweystaan,taasina waa caddaalad darro maamul ku dhisan.




