Dagaal dhex marey ciidamo kala taabacsan m/weynihii hore faroole iyo m/weynaha cusub C/weli Gaas oo la joojiyey.

0
480

Dagaal kala dhexmarey ciidamo taabacsan m/weynihii hore ee puntland C/raxmaan Faroole iyo kuwo taabacsan m/weynaha cusub ee xiligan C/weli Cali Gaas kuwaas oo dagaalkii dhexmarey isaga diley labo askeri oo ah kuwa C/weli.

Dagaalkan ayaa sida la sheegayo waxa uu salka ku hayey tun isugu faan iyo cudud ciidan oo leys tusayey,iyadoo dagaalku ahaa mid ka horeeyey doorashada ayaa waxaa beenoobey saadaalo badan oo ay saadaaliyeen wax garad farabadan oo reer puntland.

Dagaalkan ayaa waxaa soo dhexgaley duqey iyo cuqaal reer puntland ah kuwaas oo aakhirkii ku guuleystey in ay joojiyaan dagaalka lagana wada hadlo dhiiga iyo dhimashada dhacdey,waxaana loo balamey marka doorashadu dhamaato.

Waa markii ugu horeysey ee ciidamada C/raxmaan Faroole ciidamadiisu weeraraan shaqsi musharax ah isla markaana ka guuleytey qofkii uu la dirirayey.

Puntland ayaa waxey geleysaa jawi kale oo siyaasadeed iyadoo kasoo baxeysa naceyb iyo colaad qabaa’ilka kala gashey iyadoo hambalyada iyo tahniyadaha ay durbaba soo bilawdey.